Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku adkeystay inuusan nasan doonin ilaa barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko loo fasaxo tartanka xilka guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa ee doorashada guud 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Mike Sonko ayaa warqaddii is diiwaangelinta maalinkii Isniinta ee toddoobaadkii hore guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu kala noqday, taas oo si rasmi ah uga mamnuucday inuu u tartamo kursiga barasaabka ismaamulka Mombasa ee doorasho soo socoto.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo Musyoka ayaa ku boorriyay guddiga IEBC in Mike Sonko ay u fasaxaan u tartamida xilka guddoomiyaha Mombasa, iyadoo dhanka kale berri la sugayo go’aanka maxkamadda cadaaladda ee bariga Afrika.