Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa qandaraaslayaasha gacanta ku haya hirgelinta wajiga labaad ee fasallada loogu talagalay manhajka tacliinta ee (CBC) ugu baaqay inay howshan dedejiyaan.
Waxaa uu u sheegay inay haystaan muddo labo toddobaad ah oo ay ku gabagabeynayaan dhisidda fasallada cusub.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaa iyo hadda la dhameystiray 500 oo ka mid ah 3,500 oo fasal tan iyo markii wajiga labaad ee mashruucan la daahfuray labo toddobaad ka hor.
Waxaa uu xusay inuu dib u dhac jiro marka la eego qorshihii horay loo dejiyay.
Magoha ayaa qandaraasleyda ku wargeliyay inay fasallada dhameystiraan ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Wasiirka ayaa doonaya in 14 cisho gudahooda lagu dhameystiro dhisidda 3, 000 oo fasallo ah.
Wajigii 1-aad ee mashruucan ayaa waxaa la dhisay 6, 500 oo fasallo ah guud ahaan dalka.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa horay u sheegay in dugsiyada dowladda laga hirgelin doono ilaa 10,000 oo ah fasallo loogu talagalay hannaanka tacliinta ee CBC oo la rumeysan yahay inuu ardayda ka soo dhisaya dhanka xirfadaha.