Ku dhawaad 400 oo qof oo shilal ugu dhintay Bangladesh xilligii ciidda

0
365

Ugu yaraan 398 qof ayaa shilal kala duwan ku dhintay dalka Bangladesh halka 774 kale ay dhaawacmeen.
Dadkan ayay waxyeello ka soo gaartay shilal gaarayay 319.
Shilalkan ayaa la diiwaangeliyay intii u dhexeysay 3-dii ilaa 17-kii bishan Toddobaad xilligaasi oo ay socdeen dabbaal degyada Ciidul Adxaa.
Ururka daryeelka rakaabka Bangladesh ayaa arrimahan warbixin ku sheegay.
Dhimashada ayaa ah midii ugu badneyd ee hal bil gudaheeda laga diiwaangeliyay dalka Bangladesh tan iyo sanadkii 2016.
Bangladesh waxay ka mid tahay waddamada ugu shilalka badan caalamka.