Labo macallin oo loo xiray jirdil ay u gaysteen arday ku guuldareystay inuu keeno buundada 400

0
443

Booliska ismaamulka Siaya ayaa billaabay baaritaanno la xiriira dhacdo la sheegay in arday dhigta fasalka siddeedaad ee dugsiga hoose dhexe ee Nyamninia ee ku yaalla magaalada Yala ee ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Gem ee dowlad deegaankaaasi ay dhowr macallin dhibaato u gaysteen arday ka dib markii u ku guuldareystay inuu la yimaado buundada 400 ee imtixaannada gudaha.
Ardayga ayaa ka cararay dugsigaasi oo ahaa mid hoyi ah, isagoo sabab uga dhigay in jirdil loo gaystay.
Muuqaal laga soo duubay wiilkan oo baraha bulshada kuwada xiriirto lagu faafiyay ayaa isagoo ilmeynaya waxaa wajigiisa ka muuqatay murugo.
Waxaa sidoo kale ka muuqday calaamado jirdil ah, isagoo ku eedeeyay in labo macallin oo wax ka baro dugsiga hoose dhexe ee Nyamninia ay dhibaato u gaysteen, ka dib markii ay sheegeen in waxqabadkiisa waxbarasho uu hooseeyo.
Madaxa xafiiska u dooda xuquuqda carruurta ee ismamaulka Siaya Jemin Onyango ayaa sheegay in macallimiinta looga shakisan yahay inay falkan gaysteen la xiray islamarkaana maxkamadda la soo taagi doono maalinta Isniinta ee 25-ka bishan.
Qaraacida ardayda ee xarumaha waxbarashada waa ka mamnuuc Kenya.