Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa ka hadashay saraakiisha la xiray ee ay IEBC doonaysa in la siidaayo.
Afhayeenka booliska dalka Bruno Shioso ayaa idaacadda Capital FM u sheegay in saddexda qof ay ka yimaadeen dalka Venezuela.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sababta loo xiray ay tahay inaysan adeegsan habraaca habboon ee qalabka lagu keeno wadanka.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan lagu wargelin in saraakiisha ay qalab doorasho sidaan oo uunan wehelin sarkaal ka tirsan guddiga IEBC.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hilary Mutyambai ayaa la filaya inuu maanta shir jaraa’id qabto iyadoo ay suurtagal tahay inuu arrintan faahfaahin ka bixiyo.
Howlwadeenada ayaa la qabtay xilli ay dalka keeneen agab loogu tala galay codeynta guud ee 9-ka bisha siddeedaad.
Waxay saraakiisha ka mid yihiin shaqaalaha shirkadda caalamiga ee Smartmatic International.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la xiray ka dib markii ay ku guul dareysteen inay faahfaahin dhameystiran ka bixiyaan agabka ay garoonka JKIA ka soo dejiyeen.
Hasa ahaate guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka, Wafula Chebukati ayaa sheegay inuu jiro qandaraas sharci ah oo ka dhexeya IEBC iyo shirkadda Smartmatic sidaas awgeedna uunan fahmin sababta loo xiray saraakiishan.
Home Wararka Kenya Booliska:IEBC maysan nagu wargelin in saraakiil ay qalab doorasho sidaan waana sababta...