Ra’iisul wasaaraha Sri Lanka oo loo doortay madaxweynaha dalkaasi

0
493

Xildhibaannada baarlamaanka dalka Sri Lanka ayaa maanta qaab qarsoodi ah ugu codeeyay in ra’iisul wasaaraha wadankaasi Ranil Wickremesinghe uu noqdo madaxweynaha Siddeedaad.
Waxaa mas’uulkan hor yaalla shaqooyin ay ka mid tahay inuu Sri Lanka ka saaro dhaqaale xumida sababtay dibadbaxyada.
225 xubnood ayaa codeynta ka qayb qaatay sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha golaha xeer dejinta ee Sri Lanka Mahinda Yapa.
Waxay xildhibaannada Ranil ka xusheen liiska ilaa saddex musharrax.
Ranil Wickremesinghe waa 73 sano jir ah hoggaamiyaha xisbiga United National Party (UNP) oo ah midka ugu qadiimsan dalkaasi.
Xirfad ahaan waa qareen ilaa 6 mar noqday ra’iisul wasaare .
Waxaa uu siyaasadda ku soo biiray sanadkii 1977 ka dib doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa.
Ranil ayaa markii ugu horreysay noqday ra’iisul wasaaraha Sri Lanka 1993 ka dib dilkii madaxweynihii xilligaasi Ranasinghe Premadasa.
Sidoo kale bishii Shanaad ayaa loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha ka dib markii uu is casilay Mahinda Rajapaksa ka hor inta uunan noqon madaxweyne ku sime ah balse maanta uu xilkaasi si buuxda ugu guulaystay.
Mas’uulkan ayaa lagu amaana inuu sameeyay isbeddelo dhaqaale intii uu ka dhex muuqday saaxadda siyaasadeed balse waxaan la ogeyn in xilka madaxtinnimo ee ay xubnaha baarlamaanka u doorteen inuu dejin doono dibadbaxyada lagu dalbanaya in isagana uu is casilo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu is casilay madaxweynihii Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa oo dalkaasi isaga baxay.