Nuurdiin Xaaji oo sheegay inaysan jirin caddeyn Ruto lagula xiriirin karo fadeexadii Kimwareer

0
501

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji oo maanta wareysi siiyay telefishinka maxalliga ee NTV ayaa sheegay inaysan jirin caddeyn wax ku ool ah oo loo cuskan karo in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ku lug lahaa fadeexadii biyo xireennada Arror iyo Kimwarer.
Sidoo kale waxaa uu xusay in gal dacwadeedka arrintan ku saabsan ee ay soo gudbiyeen hay’adaha dambi baarista uunan ku jirin magaca Ruto.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xafiiska uu hoggaamiyo ee ODPP uu ku dadaalayay sidii fadeexadan looga sal gaari lahaa.
Nuurdiin Xaaji ayaa intaasi ku daray inaysan jirin cid gaar ah oo uu u eexanaya balse uu caddeynaya keliya xaqiiqada jirta.
Bishii Sagalaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu joojiyay hirgelinta mashruucii horumarineed ee biyo xireennada Arror iyo Kimwarer ee ismaamulka Elgeyo-Marakwet ka dib markii baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in sare loo qaaday qarashaadka barnaamijkan ku baxaya.
Waxaa xilligaasi soo baxay warar sheegayay in mashruucan lagu musuqmaasuqa lacag dhan 63 bilyan oo shilin.
Waxaa dacwado arrintan la xiriira lagu soo oogay wasiirkii hore ee maaliyadda Henry Rotich, xoghayihii wasaaradda maaliyadda Kamau Thugge iyo afar eedeysanayaal oo kale.
Dhanka kale Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in u tartamidda xilka guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ee barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko ay tahay arrin aanan fududeyn.