Syria oo xiriirka u jaraysa Ukraine
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Syria ayaa laga soo xigtay inay xiriirka u jarayaan dowladda Ukraine.
Syria ayaa tallaabadan ku taageeraysa dowladda Ruushka oo ay saaxiibbo yihiin oo tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkan duullaan militari ka wada gudaha Ukraine.
Waxaa uu sarkaalku xusay in tallaabada ay qaadayaan ay tahay mid u dhiganta oo looga falcelinayo midii xukuumadda Kyiv.
Wakaaladda wararka ee SANA oo aan shaacin magaca sarkaalka ay soo xigatay ayaa ku warramaysa inuu meesha ka bixi doono xiriirka dibloomaasiyadeed ee Syria iyo Ukraine.
Dowladda Ukraine ayaa horay dhankeeda u shaacisay inay cilaaqaadka u jaraysa Syria ka dib markii bishii hore xukuumadda Dimishiq ay aqoonsatay maamullada gooni u goosadka ee taageerada ka haysto Ruushka ee Donetsk iyo Lugansk oo ku yaalla bariga wadanka Ukraine.