Madaxweynaha dalka oo gaaray Seychelles

0
287

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray wadanka Seychelles oo uu ugu ambabaxay safar rasmi ah oo qaadan doono Saddex cisho.
Waxaa garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee Seychelles International Airport oo ku yaalla jasiiradda Mahe Island ku soo dhaweeyay dhigiisa wadankaasi Wavel Ramkalawan.
Sida laga soo xigtay madaxtooyada dalka ee State House oo bayaan soo saartay , Mr. Kenyatta iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Seychelles isagoo ciidamada difaaca ee dalkaasi ka qaatay salaan sharaf halka loo riday 21 ah rasaas sharafeed.
Waxaa madaxweynaha socdaalkiisa ku wehelinaya wasiiradda arrimaha dibadda Ambasadoor Raychelle Omamo, ku xigeenka madaxa shaqaalaha Ruth Kagia iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda dhexe.
Inta uu halkaasi ku sugan yahay, Mr. Kenyatta ayaa wada hadallo labo geesood ah la yeelan doono dhigiisa dalkaasi Wavel Ramkalawan.
Sidoo kale waxaa la filaya in labada hoggaamiye ay goobjoob ka noqdaan fadhiyo Kenya iyo Seychelles ay ku kala saxiixanayaan heshiisyo dhowr ah oo lagu xoojinaya iskaashiga dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee labada waddan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale khudbad ka hor jeedin doono baarlamaanka wadankaasi oo yeelanaya kal-fadhi lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn.
Labada dowladood ee Kenya iyo Seychelles ayaa ka wada shaqeeya dhinacyada ganacsiga , la dagaalanka burcad badeedda , kheyraadka badda , xeer dejinta , arrimaha dhallinyarada , cayaaraha , dhaqanka iyo kallumeysiga.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii madaxweynihii hore ee Seychelles Danny Faure uu safar ku yimid Kenya xilligaasi oo labada dal ay ku heshiiyeen inay sare u sii qaadaan iskaashigooda dhanka la dagaalanka daroogada , dalxiiska, ganacsiga , amniga iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda.