Wasiiradda arrimaha dibadda oo bogaadisay xiriirka ka dhexeya Kenya iyo India

0
414

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ambasadoor Raychelle Omamo ayaa bogaadisay iskaashiga ay leeyihiin waddamada Kenya iyo India oo ay ku tilmaantay mid wanaagsan.
Arrintan ayay ka hadashay xilli ay sagootinaysay safiirka India ee Kenya ee xafiiska baneynaya Dr. Virander Paul.
Waxay Omamo danjiraha ku ammaantay inuu door wayn ka qaatay adkeynta xiriirka labada dowladood.
Sidoo kale waxay wasiiradda hoosta ka xarriiqday in iskaashiga saaxiibtinnimada ku saleysan ee muddo dheer u dhexeyay Kenya iyo India uu horseeday inay ka wada shaqeeyaan arrimaha wax soo saarka beeraha , waxbarashada , gaadiidka iyo caafimaadka.