Ilhaan Cumar oo doonaysa in dhaxal sugaha Sacuudiga lagula xisaabtamo dilkii Khashoggi’

0
747

Ilhaan Cumar oo ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanka ayaa soo saartay hindise sharciyeed ay ku doonayso in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan lagula xisaabtamo kaalintii uu ku lahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi.
Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii waaxda agaasinka qaran ee sirdoonka Maraykanka ay warbixin soo saartay.
Warbixintaas ayaa Maxamad Bin Salmaan ku eedeysay in sanadkii 2018-kii uu qorsheeyay howlgalkii looga takhalusay Khashoggi ee ka dhex dhacay qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ee magaalada Istanbul ,dalka Turkiga.
Ilhaan Cumar ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in xaaladda taagan ay tijaabo u tahay tixgelinta la siiyo xuquuqul aadanaha ee caalamka.
Sacuudi Carabiya ayaa horay u beenisay waxyaabaha lagu sheegay warbixinta sirdoonka xukuumadda Washington.