Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa dowladda Iiraan ku eedeyay inay qorsheynaysa inay hub siiso Ruushka.
La taliyaha amniga qaran ee madaxweyne Joe Biden ,Jake Sullivan ayaa arrintan ka hadlay.
Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda aynan caddeyn in xukuumadda Tehran ay Ruushka siisay hub.
Jake ayaa carrabka ku adkeeyay inay hayaan xog tilmaamaysa in Iiraan ay Ruushka ku wareejin doonto boqolaal ah baabuurta aynan cidna hagin ee loo yaqaano UAVs iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo hub sido.
Sidoo kale eedeynta Maraykanka uu u jeediyay Iiraan waxaa ka mid ah inay dhawaan tababarro siin doonto ciidamada Ruushka si looga taageero duullaanka militari ee ay tan iyo 24-kii bishii Labaad ee sanadkan ay ka wadaan gudaha Ukraine.
Hasa ahaate xukuumadda Tehraan ayaan weli ka falcelin dhaliisha uga timid Washington.