Shiinaha oo sheegay in waddamada Aasiya ay tahay inay iska ilaaliyaan in loo isticmaalo danooyiin gaar ah

0
445

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in waddamada ku yaalla koonfur bari ee qaaradda Aasiya ay tahay in ay ka fogaadaan wuxuu ku sheegay in loo adeegsado danooyin gaar ah.
Mas’uulkan oo ka hadlay shir ay yeesheen ururka ay ku bahoobeen dalalka ku yaalla koonfuur bari ee qaaradda Aasiya ee magacoodu loo soo gaabiyo ASEAN kaas oo maanta lagu qabto caasimadda dalka Indonesia ee Jakarta, ayuu Wang xusay in dalal badan oo gobolka ah lagu cadaadiyay inay dhinac la saftaan.
Waxaa uu xusay in mustaqbalka waddamada ku yaalla koonfur bari ee qaaradda Aasiya la doonaya inuu gacantooda ku jiro.
Dalalka ku yaalla koonfur bari ee qaaradda Aasiya ayaa waxaa muddo dheer ahayd goob ay ka jiraan khilaaf jufo siyaasadeed oo u dhexeya quwadaha waaweyn marka loo eego muhiimadda ay leedahay istaraatiijiyadda, iyadoo dalalka gobolka ay hadda ka walaacsan yihiin inay dhexda ay u galaan xifaaltanka Mareykanka iyo Shiinaha ee dhanka awoodaha.