Guddoomiyaha gobolka Donetsk ee dalka Ukraine ,Pavlo Kyrylenko ayaa sheegay in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen gantaal ay adeegsadeen ciidamada dowladda Ruushka.
Waxaa uu intaasi ku daray in 34 qof laga cabsi qabo inay dhinteen oo ay ku hoos xanniban yihiin dhisme ka kooban shan dabaq oo ay gantaalladu burburiyeen.
Guddoomiyaha ayaa barta Telegram-ka ku sheegay in weerarkan xalay laga gaystay magaalada Chasiv Yar.
Waxaa uu dhaawaca ilaa iyo hadda la xaqiijiyay ku sheegay shan qof.
Ruushka ayaa tan iyo 24-kii bishii Labaad ee sanadkan duullaan militari ka wado gudaha wadanka Ukraine.