Madaxweynaha Argentina oo degganaansho ugu baaqay dibadbaxayaasha

0
309

Madaxweynaha dalka Argentina Alberto Fernandez ayaa midnimo ku baaqay.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii shalay dibadbaxayaal careysan ay socdaal ku tageen iridda qasriga madaxweyne ee dalkaasi.
Shacabka ayaa muujinaya sida ay uga xun yihiin sicir barar xooggan oo wadankaasi ka jiro iyo deynta qaran oo korortay.
Dowladda haysa talada Argentina ayay mudaharaadayaasha ku eedeynayaan inaysan arrimahan waxbo ka qaban.
Madaxweyne Alberto Fernandez ayaa caqabad kala kulmaya garabka bidix ee isbeheysiga talada haya oo doonaya in dowladdu ay dhaqaale badan ku bixiso hoos u dhigidda heerka sare ee saboolnimada iyo sicirka.