DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo eedeyn u jeediyay William Ruto

0
542

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa eedeyn u jeediyay ku xigeenkiisa William Ruto ka dib markii musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza uu dowladda dhexe u jeediya dhaleeceyn ku aadan waxqabadka xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ee uu horraan ka tirsanaa.
Hadalka hoggaamiyaha ugu sarreeya ee wadanka ayaa ku soo aadaya ka dib markii William Ruto uu dhawaan kenyaanka u soo bandhigay qorshihiisa hoggaamineed.
Waxaa uu Mr.Kenyatta sheegay in Ruto uu horraan soo bandhigay ballanqaadyo maran oo uunan hirgelin.
Madaxweynaha dalka ayaa ku xigeenkiisa Ruto ku eedeyay inuu wakhti hore dowladda isaga tagay isagoo aan waxba qaban.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka