Dowladda dhexe ayaa shaacisay in sanadkan gudihiisa ilaa 27-kii bishii Lixaad ay shilalka waddooyinka ku nafwaayeen 2,200 oo qof guud ahaan dalka.
Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa barta Twitter-ka ku sheegay in tiradan ay u dhiganto sare u kac ah boqolkiiba 10.5 marka loo barbardhigo sanadkii hore oo ay ahayd 2,057.
Oguna ayaa sheegay in dadka ugu badan ee ay saameynta ka soo gaarto shilallka ay yihiin kuwa waddooyinka gudbaya ama hareerahooda socdo.
816 qof oo dadkan ka mid ah ayaa sanadkan shilal ku dhintay halka sanadkii hore tiradan ay ahayd 681.
Oguna ayaa shilalka badan u aaneeyay baabuurta oo si taxaddar la’aan ah loo kaxeeyo.
Shalay ayay ahayd markii afhayeenka dowladda uu mulkiilayaasha iyo darawaliinta gaadiidka dadweynaha ugu baaqay inay gawaarida geeyaan meelaha lagu sameeyo kormeerka maadaama la soo tabiyay in intooda badan aynan lahayn agabka xakameeya xawaaraha uu baabuurka ku socdo tani oo halis gelinaysa nolol badan.
Waxaa uu Cyrus Oguna sheegay in baabuurtii aan buuxin halbeegyada laga doonayo in gacanta lagu dhigi doono.
26-kii bishii hore ayay ahayd markii Oguna uu sheegay in dowladda dhexe ay adeegsan doonto tallaabooyin dheeraad ah oo looga hor tagaya in baabuurta maraya waddooyinka waawayn sida Nairobi Expressway in si xowli ah loo kaxeeyo.
Arrintaasi ayaa ka dambeysay shil dhacay 25-kii June oo u dhexeyay baabuur dhowr ah kaasoo laga soo tabiyay Mlolongo.