Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party Prof.George Wajackoyah ayaa kenyaanka u soo bandhigay qorsho ka kooban toban qodob.
Waxaa uu ballanqaaday in haddii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan loo doorto xilka madaxtinnimo uu xalaaleyn doono xashiishka sida faa’iidada laga helo loogu bixiyo deymaha shisheeye.
Sidoo kale waxaa uu soo kordhin doonaa dhaqashada maska.
Waxyaabaha kale ee uu ballanqaaday waxaa ka mid ah in kenyaanka ay toddobaadkiiba afar cisho shaqeynayaan oo mushaar la siinaya labadii toddobaadba.
Musharraxan waxaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu fududeyn doono in dibadda loo dhoofiyo hilibka eyga.
Sidoo kale waxaa uu xukun daldalaad ah ku fulin doonaa shakhsiyaadka lunsado kheyraadka dadweynaha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu xiri doono marinka casriga ee tareennada ee SGR oo uu sheegayo waxaa uu astaan u yahay guumeysiga Shiinaha.
Musharraxan ayaa sheegay inuu hakin doono adeegsiga qaybaha dastuurka ee aan shaqeynayn sida uu aaminsan yahay.
Waxaa uu dalka ka tarxiilaya ajaaniibta aan wax camal ah hayn.
Sidoo kale siddeedda gobol ee dalka ayuu ka hirgelin doonaa maamullo federaal ah.