Eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilalka Nakuru oo la xiray

0
482

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in ugu dambeyn gacanta lagu dhigay Evans Michori Kebwaro oo ah eedeysanaha ugu muhiimsan ee lala xiriirinayo dilal ka dhacay ismaamulka Nakuru.
Dhacdooyinkan ayaa dhawaan saameeyay xaafadda Mawanga.
DCI ayaa laga soo xigtay in ciidamada ammaanka ay dabagal ka dib soo xireen Kebwaro iyo shan qof oo kale.
Tuhmanaha ayaa laga soo qabtay magaalada Keroka ee u dhexeysa ismaamullada Kisii iyo Nyamira halkaasi oo uu ku dhuumanayey.
Ka dib markii su’aallo dheeraad ah la weydiiyay ayuu sheegay magacyada Julius Otieno, Josphat Simiyu, Dennis Mmbolo, Isaac Kinyanjui iyo Makhoha Wanjala oo uu ku tilmaamay xubnaha kooxda burcadda ee uu hoggaamiyo.
Tallaabada lagu soo xiray Kebwaro ayaa timid ka dib 24 saacadood oo kulan amni lagu qabtay Nakuru.
Waxaa shirka guddominayay wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i oo u hoggaansamaya amar madaxweyne.
Waaxda dambi baarista ayaa sheegtay in Kebwaro uu qirtay inuu dilay toddobo qof.
Baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday inuu ka qayb qaatay dilal ah ugu yaraan saddex oo ka dhacay Mawanga iyo agagaarkeeda kuwaasoo intii u dhexeysay 15-kii ilaa 24-kii bishii hore ee June laga diiwaangeliyay saldhigga booliska ee Kiugoine.
6-da eedeysanayaal ee la qabtay ayaa hadda loo soo qaadaya xarunta dhexe ee laanta dambi baarista dalka .
Saraakiisha dambi baarista ayaa sheegay in burcaddan ay bartilmaameedsanayeen dumarka oo ay kufsi u gaysanayaan ka dibna dilayaan iyagoo ugu dambeyn meydadka dhibbanayaasha dab qabadsiinayay.
Laamaha ammaanka ayaa shacabka Nakuru u xaqiijiyay in badqabkooda si wayn loo sugayo iyadoo warbixinta kama dambeyska ee baaritaannada socdo dib laga shaacin doono.