In ka badan 10 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Ukraine

0
307

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar ay ciidamada Ruushka ku bartilmaameedsadeen xarun laga dukaameysto oo ku taalla dalka Ukraine.
Guddoomiyaha gobolka bartamaha ee Ukraine Dmytro Lunin ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale magaalada Kremenchuk lagu dhaawacay in ka badan 40 qof oo kale.