Madaxweynaha Indonesia oo nabad ugu baaqaya dalalka Ruushka iyo Ukraine

0
526

Madaxweynaha dalka Indonesia ahna guddoomiyaha dalladda G20 ,Joko Widodo ayaa sheegay inuu la kulmi doono hoggaamiyaasha Ruushka iyo Ukraine si uu ugu qanciyo inay wada hadal nabadeed yeeshaan.
Waxaa uu maanta iyo berri ku sugnaan doonaa Jarmalka oo uu marti ku yahay shirka toddoobada waddan ee caalamka ugu horreeya dhinaca dhaqaalaha ee G7.
Intaasi ka dib Widodo ayaa u sii safri doono Ukraine si uu ula kulmo madaxweyne Volodymyr Zelensky.
Shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Jakarta ayuu hoggaamiyaha Indonesia ka sheegay inay qasab tahay in dagaalka uu joogsado.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Mr.Widodo uu Moscow u safro khamiista oo ah 30-ka June.