Waxaa lagu soo warramayaa in qaraxyo dhowr ah laga gaystay magaala madaxda dalka Ukraine ee Kyiv.
Dhisme ka kooban ilaa sagaal dabaq ayaa gebi ahaanba la burburiyay.
Weerarka ayaa la soo tabiyay abaare 6.30 aroornimo.
Waxaa hadda socdo howlaha samatabixinta iyadoo xogaha hor dhaca ah ay tilmaamayaan inuu khasaare jiro.
Waxaa hadda samatabixinta ku howlan ilaa 19 ah waaxyaha ka falceliya xaaladaha degdegga ah oo goobta ku sugan.