Guddiga lagu muransan yahay ee hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku baaqay in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha dorashooyinka si looga gudbo caqabadaha weli hortaagan inay qabsoomaan doorashooyinka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa loogu baaqay Madaxda dowladda & Maamul Goboleedyada inay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020 lagu gaaray Magaalada Muqdisho.
Guddiga ayaa soo dhaweeyay heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay.
Warka ka soo baxay gudiga ayaa lagu Yiri Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka inay deg deg isugu yimaaddaan, si loo xaliyo tabashooyinka kasoo laabtay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020.
Guddiga ayaa sheegay in isagoo ka eegaya xaaladda dalka dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, una baahan in laga gudbo marxaladdaan uu ku baaqayo in dhinacyada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo ah cidda ay ka go’do taladda doorashadu ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020.
Guddigu waxaa kale oo uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay ku dadaalaan, qaybna ka qaataan isu soo dhoweynta dadka, lagana fogaado hadallada ku dhisan kala kaxaynta iyo qaybinta bulshada Soomaaliyeed.
Guddiga ayaa sidoo kale u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay dadaaladii xal u helidda ee heshiiskii Muqdisho ka dhacay 25 Febraayo. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Guddigu dadaalada xoogan ee ay Beesha Caalamka ugu kala dab qaadaysp dhinacyada si loo gaaro is faham buuxa.
Ugu dambeyntii, Guddigu Doorashada Soomaaliya wuxuu shacabka Soomaaliyeed u caddeynayay in xalka kaliya ee marxaladdaan xasaasiga ah looga gudbi karaa ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay, iyadoo guddiguna diyaariyey dhammaan habraacyadii doorashooyinka ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran 17/09/2020.