Bangiga adduunka oo ansaxiyay 143 milyan oo doolar oo loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya

0
486

Bangiga Adduunka ayaa ansaxiyay 143 milyan oo doolar oo loogu talagalay si loogu caawiyo dadka nugul ee Soomaaliyeed si ay uga gudbaan xaaladaha abaarta iyo cunno yarida sii kordhaysa ee dalka oo dhan.
Maalgelintan dheeriga ah ee la siinayo Soomaaliya, ayaa waxay xoojin dheeraad ah siin doontaa wax ka qabashada abaaraha dalka, waxayna hubin doontaa sii socoshada taageerada naf babaadinta joogtada ah.
“Xaaladdu waa murugo, Bankiga Adduunkana waxa uu sameynayaa wax walba oo uu ku badbaadin karo kuwa ugu nugul xilligan,” ayay tiri Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. “Waxaan ka faa’ideysaneynaa iskaashiga aan la leenahay hay’adaha bani’aadamnimada si loo yareeyo xaaladdaha abaaraha,” ayay raacisay.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucaan uu wax ka qaban doono baahida 20,000 qoys, wuxuuna tilmaamay in lacag caddaan ah oo degdeg ah la siin doono 338,000 qoys, iyo 160,000 qoys kuwaas oo iyagana dhaqaale ka heli doona mashruucaan.
Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale ka faa’iideysanaya dhowr mashruuc oo jira si loo xoojiyo wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya, Iyadoo loo marayo mashruuca Baxnaano.
Tirada dadka ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo ayaa la saadaalinayaa inay kor u kacdo 7.7 milyan oo qof sanadkan 2022, iyadoo lagu qiyaaso 3 milyan oo qof oo gudaha ku barakacay iyo ku dhawaad 70 boqolkiiba dadka ku nool inay ka hooseeyaan heerka faqriga caalamiga ah.