War murtiyeed laga soo saaray shir ku saabsan arrimaha DRC oo lagu qabtay Nairobi

0
441

Waxaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay yeesheen madaxda gobolka oo looga hadlayay nabad galyada jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Kulanka oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa qodobbada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in la soo dhiso ciidan goboleed ka shaqeyn doono soo afjaridda colaadda ka taagan bariga Congo.
Madaxtooyada dalka ee State House ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in madaxda ay sidoo kale dalbadeen in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada halkaasi ka taagan.
Shirka maanta ayaa waxaa ka qayb galay hoggaamiyaasha toddobada dal ee xubnaha ka ah jaaliyadda bariga Afrika ee EAC
Dhammaan kooxaha hubeysan ee DRC ayaa laga dalbaday inay ka qayb qaataan geeddisocodka siyaasadeed si loo xalliyo tabashooyinkooda haddii kale waxaa loo aqoonsanaya kuwo aan horumar rabin waxaana la tacaalaya militariga gobolka.
Madaxda ayaa ku heshiiyay inay muddo bil gudaheed ah mar kale kulmaan si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray dhaqangelinta qodobbadan.