Haweeney 82 jir ah oo 125 kiilomitir ku orday 24 saac gudahood

0
666

Barbara Humbert, oo ah ayeeyo 82 jir ah oo ku nool magaalada Val d’Oise ee dalka Faransiiska, ayaa dhawaan dhigtay rikoor cusub ka dib markii ay ku orday 125 kiilomitir (78 miles) 24 saac gudahood.
Dhamaadkii bishii hore, intii lagu guda jiray tartankii Faransiiska ee lagu qabtay Brive-la-Gaillarde, 82 jirtan lagu magacaabo Barbara Humbert ayaa jabisay rikoorka orodka adduunka ee ugu dheeraa 24 saacadood marka loo eego da’deeda. Haweeney Jarmal ah ayaa ku orday 105 kiiloomitir (65.2 mayl) dhowr sano ka hor, Barbara-na waxay indhaha ku haysay inay ka hor marto rikoorkaas ilaa 15 kiiloomitir. Waxay dhaaftay wixii ay filaysay, inkastoo, ay jabisay rikoodhkii hore ee adduunka iyadoo masaafo dhan 125 kiiloomitir oroday muddo 24 saacadood gudahood.
In kasta oo aad ku dhaaran lahayd in ay nolosheeda oo dhan ordi jirtay , Barbara waxaa ay orod bilowday da’da 43 jir, wakhtigaas oo ay gabadheeda bilowday isu diyaarinta imtixaankeeda qalin-jabinta dugsiga sare. Ka dib markii la baray farsamada saxda ah ee neefsashada, haweeneyda Faransiiska ah ayaa qaadatay dhark ciyaaraha waxayna bilowday inay ku dhex orodo waddooyinka Bouffémont (Val-d’Oise) halkaasoo ay ku nooleyd.
Arrintan oo markii hore si iskeed ah u bilowday inay ku dhex orday waddooyinka magaaladeeda isla markiiba waxay isu beddeshay inay ku oroda magaalada, ka dibna waxay noqotay orodyahan buuxa. 39-kii sano ee ay ordaysay, Barbara Humbert waxa ay ka qayb qaadatay 137 orod iyo 54 maratoon oo ay ku jiraan Paris iyo New York marathon.
Iyada oo ka hadlaysa tartanka laftiisa, Humbert waxa ay sheegtay in 24-kii saacadoodba aanay wax daal ah dareemin, waligeedna aanay dareemin hurdo habeenkii oo ay ku qasabanaatay in ay wax cunto oo wax cabto. Si kastaba ha ahaatee, daalka ayaa ku soo biiray ka dib markii ay ka gudubtay xariiqda dhamaadka ama tartanka, waxayna aaminsan tahay in tani ay tahay mid ka mid ah sababaha ay maalmo ku qaadatay in ay ogaato muhiimada guulaheeda.
Berbera waxaa ay sheegtay in qofka ku dhiirigeliyay arrintan uu yahay ninkeeda.
Intii ay ku guda jirtay xirfadeeda orodka ee cajiibka ah, Barbara Humbert waxay la kulantay dhaawacyo dhowr ah, oo ay ku jiraan sin xanuun, murgacashada canqowga, iyo kuwa kale laakiin marnaba uma oggolaan in dhibaatooyinkan ay ka hor istaagaan riyadeeda.