Magaalada Shanghai ee Shiinaha oo Sabtida bandow la saaraya

0
656

Maamulka magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha ayaa lagu wadaa inuu Sabtida soo socoto shacabka halkaasi ku nool oo gaaraya ilaa 26 milyan oo qof uu ku soo rogo xayiraad dhanka isku socodka ah.
Tallaabadan ayaa fududeyn doonto in la sameeyo baaritaan wadareed ka dhan ah caabuqa corona.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maamulka magaladaasi uu qafiifiyay xayiraado dadka ku reebay guriyahooda tan iyo bishii Saddexaad ee sanadkan.
Dhammaadkii sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii uu dalka Shiinaha ka soo billowday cudurka COVID-19 oo saameyn wayn ku yeeshay caalamka.