Toogashooyin ka dhacay 3 magaalo oo ku yaalla dalka Mareykanka oo ay 9 qof ku dhinteen

0
513

Ugu yaraan 9 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka 20 kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ka dib toogashooyin ka dhacay saddex magaalo oo ku yaalla dalka Maraykanka.
Toogashooyinkan ayaa dhacay Sabtidii ilaa xalay oo ay Axad ahayd.
Magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania ayaa iska horimaad dhex maray laba nin habeenimadii Sabtida, ayaa isu beddelay is-rasaasayn, taas oo sababtay in rasaas lagu furo baar iyo goob makhaayad ah oo ay dadku ku badan yihiin, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof, 12 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, toogasho ayaa saqdii dhexe ee habeenimadii Sabtida laga soo tabiyay meel ku dhow baar ku yaalla magaalada Chattanooga ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka, halkaasoo ay ku dhinteen saddex qof, ayna ku dhaawacmeen 14-qof, sida ay booliisku sheegeen.
Waxaa sidoo kale toogasho kale oo dhacday subaxnimadii Axadda ee shalay lagu dilay saddex qof, halka ay labo ku dhaawacmeen magaalada Saginaw ee gobolka Michigan.
Waxaa dalka Mareykanka ku sii kordhaya rabashadaha dadka hubeysan ay toogashada gaysanaya.
Sharci dajiyaasha Maraykanka ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii ay wax uga qaban lahayeen toogashooyiinka sharci darrada ah iyo hubka la isku adeegsanaya.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay dhacdooyinkan.