Khasaaraha ka dhashay dabkii saameeyay Bangladesh oo kordhay

0
542

Ugu yaraan 49 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Bangladesh halka in ka badan 300 oo kalena ay dhaawacmeen ka dib markii uu dab xooggan ka kacay xarun lagu keydiyo konteeynarrada oo ku taalla koonfurta bari ee wadankaasi.
Dabka ayaa xalay laga soo tabiyay magaalada Sitakunda oo masaafo dhan 40 kiilomitir u jirta magaala xeebeedda Chittagong.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu horseeday qaraxyo dhowr ah.
Kororka ku yimid tirada dhimashada iyo dhawaaca waxaa warbaahinta u xaqiijiyay madaxa waaxda caafimaadka ee Chittagong’ Elias Chowdhury.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhimashada ay sare u sii kici karto maadaama qaar ka mid ah dhaawaca ay xaaladooda caafimaad liidato.
Agaasimaha guud ee waaxda dab damiska ee Bangladesh Main Uddin, ayaa laga soo xigtay in 6 ka mid ah saraakiisha waaxdani ay ku nafwaayeen dabka.
Dhaawaca waxaa ka mid ah ugu yaraan 21 sarkaal oo ah kuwa dab damiska oo goobta u tagay inay dabka damiyaan.
Warbaahinta maxalliga ayaa ku warramaysa in xarunta gubatay ay keyd u ahayd ilaa 5,000 oo konteynarrada sida badeecadaha dalkaasi laga dhoofiyo ama dibadiisa laga soo dejiyo.