DHAGEYSO:Maamulka deegaanka Gadoon oo sheegay in gacanta lagu dhigay qof shalay weerar ka geeystay gudaha deegaankaasi

0
779

Qof ku hubeeysan qoriga AK-47 ayaa shalay weerar ku qaaday laba goobood oo ku taal deegaanka Gadoon oo ka tirsan gobolka Galgaduud
Sida uu sheegay maamulka deegaanka weerarkaasi waxaa ku dhintay hal qof saddex kalana waa ku dhaawacmeen kuwaas oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo magaalada Dhuusamareeb
Guddoomiyaha deegaanka Gadoon Cabdinaasir Cismaan Maxamed oo sheegay in ay rumeeysan yihiin falkaasi uu salka ku hayo aano qabiil ayaa intaa ku daray in dadka deegaanku iska kaashadeen sidii looga hortagi lahaa colaad baahda iyadoo gacanta lagu dhigay qofkii weerarka ka dambeeyey sida uu hadalka u dhigay.
Guddomiyaha ayaa waxaa uu warramay Cubeyd Xasan Maxamuud