Ruushka oo soo riday diyaarad dagaal oo ay leedahay Ukraine

0
482

Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay soo riday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Ukraine.
Diyaaraddan ayaa lagu sheegay inay tahay nooca Su-25 fighter jet.
Militariga Moscow ayaa sheegaya in diyaaraddan uu ku soo riday gobolka Mykolaiv .
Bayaanka waxaa qayb ka ah in sidoo kale la duqeeyay qaar ka mid ah xarumaha taliska ee ciidamada Ukraine oo u dhow magaalada Kharkiv.