Ciidamada Ruushka oo gacanta ku haya boqolkiiba 70 ee magaalada Severodonetsk

0
532

Guddoomiyaha gobolka Luhansk Serhiy Haidai ayaa sheegay in ciidamada militari ee dowladda Ruushka ay hadda maamulaan boqolkiiba 70 ee magaalada Severodonetsk.
Qoraal uu soo dhigay barta Telegram-ka ayuu mas’uulkan ku xusay in saraakiisha ay u wareegeen goobo la sii diyaariyay.
Ruushka ayaa maalmihii ugu dambeeyay sare u qaaday howlgallada uu ka wado bariga Ukraine , dalkaasi oo uu duullaan ku hayo tan iyo 24-kii bishii Labaad ee sanadkan.