SAWIRO:Wararkii ugu dambeeyay shirka RW Rooble & midowga musharixiinta oo haatan socda

0
1099

Waxaa haatan ka socda Huteelka Decale oo ku yaal Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamad Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta.
Waxaa shirka ku sugan oo ka qayb-galaya, RW Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmad, Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud, musharixiinta, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed, C/raaxmaan C/shakuur iyo Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle.
Shirka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadlayaan xaaladda cakiran ee uu dalka Soomaaliya marayo , dhacdooyinkii dhacay 19-kii Bishaan iyo sidii loo baajin lahaa banaanbaxa ay Musharixiinta ku dhawaaqeen inay qabanayaan Maalinta Berrito ah.

Wixii kusoo kordha kulamada u dhaxeeya dowladda iyo midowga musharixiinta Soomaaliya wararkeena dambe ayaan iyagoo faahfaahsan idin kugu soo gudbin doona in sha Allah