Waxaa bilowday dhaqdhaqaaqyada iyo xaadiritaanka goobta doorashada oo ah teendho wayn oo ku taalla xeradii ciidamada cirka Soomaaliya ee Afisiyoone.
Waxaa hadda goobtaasi gaaray qaar ka mid ah musharrixiinta iyo xildhibaanada, iyada oo ay xilli hore oo saakay ahba ugu sii sugnaayeen guddiga qaban qaabada iyo hawlwadeeno kale iyo warbaahinta madaxa bannaan.
Dadka caasimadda ayaa intooda badan ku sugan guryahooda maadaamaa magaalada uu ka jiro bandow guud.
Xubnaha labada aqal oo tiradoodu gaareyso 329 ayaa lagu wadaa inay doortaan madaxweynaya, waxaana la sugayaa in goor dhow uu guddoonka Golaha Shacabku si rasmi ah u furo doorashada.
Tartanka doorashada waxaa isku diiwangeliyay 39 musharrax, hase yeeshee inta la xaqiiyay ilaa hadda waxaa tartanka ka haray afar musharrax.
Amniga goobta doorashada waxaa sugaya ciidamada midowga Africa ee ATMIS.
Wixii kusoo kordhaca doorashada halkan ayaad kala socon doont an ee mar kale nagu soo noqo.