Guddiga EACC oo loo oggolaaday inuu la wareego hantida shaqaale nadiifiya xarunta dhexe ee asluubta

0
331

Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC u fasaxday inuu gacanta ku dhigo lacag dhan 257 milyan oo shilin oo ku keydsan akoonka bangiyeed ee mid ka mid ah shaqaalaha nadaafadda ee xarunta dhexe ee waaxda asluubta dalka.
Waxaa go’aanka maxkamadda qaybteeda dhageysata kiisaska la xiriira musuqa ku xusan in guddiga uu sidoo kale la wareegi karo baabuur qiimahoodu yahay 32 milyan oo shilin iyo guri uu qiimihiisu gaaraya 17.5 milyan oo shilin.
Waxaa la rumeysan yahay in dhammaan hantidan uu leeyahay Eric Kipkurui oo ah kormeeraha shaqaalaha nadaafadda ee xarunta ciidamada asluubta.
Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa soo saartay garsoore Esther Maina ka dib codsi uu gudbiyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Guddiga ayaa sheegay in hantidan lagu helay qaab aan sharci ahayn oo ay u badan tahay in eedeysanaha uu ka macaashay falalka wax isdaba marinta.