Tuulada Kumaxumaato oo ka mid ah deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa lagu qabtay xaflad xarigga looga jarayay dhismaha xarun cusub oo waqaf ah oo halkaas laga dhisay isla markaana dhaqaale uruurin loogu sameeyay madarasada cusub.
Wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Abaqayle Maxamad Cali Sheekh oo ku magacdheer Amiin Computer ayaa ka warbixiyay dhaqalaha la uruuriyay isaga oo u mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay