Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ku sheegay shakhsi gaysta falal dambiyeedyada.
Waxaa uu Biden shaaciyay 800 oo milyan oo doolar oo ah taageero amni oo dheeraad ah taaso xukuumadda Washington ay siinaysa Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Ruushku uu sheegayo in duullaanka militari ee uu 24-kii bishii Febraayo ee sanadkan uu ku qaaday Ukraine uu u socdo sidii loo qorsheeyay.
Putin ayaa xusay inay helaali doonaan ujeeddooyinka ay ka leeyihiin howlgalka gudaha Ukraine.
Dowladda Ruushka ayaa dhanka kale tilmaanta uu Biden ka bixiyay madaxweynaha dalkaasi ku sheegtay mid aan la aqbali karin.