In ka badan 3 milyan oo ka barakacay Ukraine

0
417

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in tan iyo 24-kii bishii hore ay wadanka Ukraine oo uu Ruushku duullaan militari uu ku qaaday ka barakaceen in ka badan 3 milyan oo qof.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday afhayeenka hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM Paul Dillon oo warbaahinta kula hadlay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.