Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka oo sheegay in reer galbeedka ay si aan wanaagsaneyn ula dhaqmayaan Ukraine

0
653

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergay Lavrov ayaa ku eedeeyay dalalka reer galbeedka ee caalamka ugu horreeya in aysan si wanaagsan ula dhaqmayaan dowladda Ukraine, madaama sida uu hadalka u dhigay ay hub siinayaan.
Waxaa uu ka digay in tillaabooyinkaas ay saameyn ku yeelan doonaan amniga gobolka sanadaha soo socda.
Sidoo kale waxaa uu duullaanka Moscow ay ku qaadday dalka deriska la ah ee Ukraine ku tilmaamaay howlgal ciidan oo gaar ah, islamarkaana u socdo sidii loogu talagalay.