Guddiga Midowga Yurub waxaa uu ku dhawaaqay qorsho sanadkan gudhiisa saddex meelood labo meel lagu dhimayo shidaalka uu Ruushku dibadda u dhoofiyo.
Ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu mamnuucay in halkaasi loo iibgeeyo shidaalka xukuumadda Moscow iyo badeecooyinka kale ee tamarta ayay boqortooyada Ingiriiska sheegtay inay badeecooyinka tamarta ee Ruushka meesha ka saari doonto dhammaadka sanadkan.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa codsaday taageerada reer galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka iyadoo howlgallada xukuumadda Moscow ay sii socdaan.