Madaxweynaha Ukraine oo khudbad u jeediyay baarlamaanka Ingiriiska

0
373

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa shalay khudbad taariikhi ah u jeediyay baarlamaanka Ingiriiska.
Waxaa uu codsaday taageero dheeraad ah oo ay u fidiyaan dowladaha reer galbeedka taasoo ka dhan ah Ruushka.
Sidoo kale waxaa uu codsaday gargaar baniaadannimo.
Waxaa uu ku yiri xildhibaannada “sameeya waxa aad awoodaan , sameeya waxa ay qasab tahay in aad sameysaan”.
Madaxweynaha Ukraine ayaa dhanka kale tilmaamay in Ruushka uu gudaha dalkaasi ku dilay ugu yaraan 50 carruur ah.