Kenya oo helitaanka dal ku galka waddamada Afrika kaga jirto nambarka 28-aad

0
453

Warbixin uu soo saaray bangiga horumarka ee Afrika (AfDB) ayaa lagu sheegay in Kenya ay waddamada qaaradda Afrika kaga jirto liiska 28-aad marka la eego sida ay u fududahay helidda dal ku galka ama fiisaha dalka.
Waxaa darasaadkan kaalin ka qaatay guddiga Midowga Afrika ee
(AUC).
Warbixinta ayaa lagu eegay 54 waddan waxaana ku cad in Kenya ay hoos uga soo dhacday nambarkii sanadkii 2020-kii ee ahaa 11 tani oo loo aaneeyay xayiraadaha dhanka safarrada ee ay dhaqangelisay si ay u xakameyso faafitaanka cudurka COVID-19.