Militariga Ukraine oo sheegaya in Ruushka uu adeegsan doono ciidamada Belarus

0
721

Militariga wadanka Ukraine ayaa ku andacoonaya in dowladda Ruushka ay qorsheynayso inay duullaanka ka qayb geliso saraakiisha gaashaandhigga ee dalka Belarus.
Hasa ahaate waxaa eedeyntan iska beenisay dowladda Belarus.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Belarus ayaa bayaan ku sheegtay in ciidamadeeda ay shacabka ugu adeegaan qaab waafaqsan xeerka u degsan tababarka ciidamada qalabka sida.
Waxay intaasi ku dartay in saraakiisha difaaca aynan qayb ka ahayn howlgalka gaarka ah ee militari ee Ukraine.