Ku simaha xilka madaxa cadaaladda ee Kenya garsoore Philomena Mwilu ayaa ku baaqday in dib loo billaabo howlihii tooska ahaa ee maxkamadaha wadanka iyada oo la raacaya xeerarka xakameynta cudurka COVID-19.
Waxay Mwilu hoosta ka xarriiqday in tani ay fududeyn doonto in la yareeyo kiisaska tirada badan ee hor yaalla maxkamadaha .
Haweeneydan ayaa sheegtay in xaaladda hadda taagan ay sababtay in dacwadaha inta badan dib loo dhigo iyada oo loo aaneynaya in aynan joogin marqaati muhiim ah.
Mrs. Mwilu ayaa arrimahan ka hadashay xilli ay si rasmi ah u furtay shirweynaha sanadlaha ee garsoorayaasha.
Waxay ku celcelisay in aynan jirin sabab qiil looga dhigi karo in aan si buuxda loo billaabin fadhiyada tooska ee maxkamadaha halka ay si caadi ah u shaqeynayaan waaxyaha kale ee dowladda iyo kuwa gaarka ah.
Howlaha waaxda garsoorka ee dalka ayaa socdo iyada oo ay ka qayb galayaan tiro kooban oo dad ah si looga hor tago faafitaanka caabuqa corona.
Sida ku cad warbixinta qorshaha iyo waxqabadka waaxda dacwad soo oogidda dalka ee 2020-2021-ka waxaa maxkamadaha loo gudbiyay ilaa 10,646 oo dacwadood waxaana la xalliyay 7,713 oo tiradan ka mid ah.
Bishii lixaad ee sanadkii hore, maxkamadda sare ee dalka waxaa hor yaallay kiisas dhan 89,415 oo aan la gabagabeyn waxayna bishii Diseembar tiradan gaartay 92,530 .
Lydia Achode oo ah xaakin sare oo ka howlgasho maxkamadda sare ayaa caqabaddan ku saleysay dhaqaale yari iyo in sanadkii hore keliya maxkamadda laga wareejiyay 32 garsoorayaal ah.