Taliyihii hore ee ciidamada badda Guinea-Bissau oo lagu eedeyay iskudaygii afgembi

0
326

Madaxweynaha dalka Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embalo ayaa sheegay in sarkaal horay u hoggaamin jiray ciidamada badda ee wadankaasi oo lala xiriiriyay ka ganacsiga daroogada iyo labo qof oo kale ay ka dambeeyeen iskudaygii afgembi ee dhacay horraantii bishan.
1-dii Febraayo ayay ahayd markii rag sitay hub culus ay weerar ku qaadeen dhismaha dowladda ee magaala madaxda wadankaasi ee Bissau, halkaaso uu madaxweyne Embalo ku guddoominayay shirka golaha wasiirrada.
Hoggaamiyaha wadankaasi ayaa mar dambe warfidiyeenka u sheegay inuu ka badbaaday dagaal socday shan saacadood oo lagu dilay 11 qof.
Taliyaha hore ee afgembiga fashilmay lagu eedeyay ayaa lagu magacaabaa Jose Americo Bubo Na Tchuto halka saaxiibadiisa ay kala yihiin Tchamy Yala iyo Papis Djeme .