Dugsiga sare ee gabdhaha ee Moi oo la xiray

0
642

Waxaa albaabada la isugu dhuftay dugsiga sare ee gabdhaha ee Moi Girls oo ku yaalla magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Xaruntan waxbarasho ayaa waxaa dhigta in ka badan 1,400 oo arday ah.
Tallaabada lagu xiray dugsiga ayaa timid ka dib markii ardayda ay dhigeen dibadbax ay ku dalbanayaan in laga beddelo maamulaha Ms Christine Chumba.
Agaasimaha waxbarashada ee dowlad deegaanka Uasin Gishu Gitonga Mbaka ayaa saamileyda tacliinta la yeeshay kulan socday labo saacadood ka hor inta uunan amrin in la xiro dugsiga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyiin ay ka mid yihiin maamulka dugsiga sare ee Moi ee Eldoret ay maanta kulmayaan si loo xalliyo tabashooyin ay ardaydu qabaan.