DHAGEYSO:Iskuduwaha cusub ee Rift Valley oo sheegay inuu diiradda saari doono xoojinta ammaanka

0
818

Iskuduwaha cusub ee dowladda dhexe ku matalo gobolka Rift Valley Maxamad Macallin ayaa ballanqaaday inuu mudnaanta koowaad siin doono sidii loo adkeyn lahaa amniga deegaanadaasi.
Waxaa gobolka Rift Valley hoos tago 14 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Maxamad Macallin ayaa arrintan ka hadlay xilli uu xafiiska kala wareegay George Natembeya oo maalmo ka hor is casilay si uu ugu tartamo xilka barasaabka ee dowlad deegaanka Trans-Nzoia .
Mas’uulkan oo horay u ahaa guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Makueni ayaa xusay in aad loo sugi doono ammaanka saddex ismaamul oo ku hareeraysan dooxada Kerio Valley kuwaasoo kala ah Elgeyo Marakwet, Baringo iyo West Pokot.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay xal u helidda caqabadaha dhinaca amniga ee ismaamulladaasi.
Shantii bilood ee ugu dambeeyay waxaa gobolka Rift Valley ka dhacay dilal iyo weerarro burcadnimo oo lagu dilay in ka badan 50 qof halka boqolaal xoolo ahna lala baxsaday.
Iskuduwaha cusub ayaa sheegay in mas’uuliyadda ugu muhiimsan ee saaran ay tahay badbaadinta nolosha shacabka iyo hantidooda oo ayna leeyihiin awood qalabeed oo ay kaga soo bixi karaan.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyay in dowladda ay billaabi doonto inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u adeegsato la socoshada dhaqdhaqaaqa burcadda dhaca xoolaha ka dibna ku carara duurka.
Dhanka kale waxaa uu digniin adag u diray siyaasiyiinta xilal doonka ah isagoo sheegay in cid kasta oo shacabka isku diraysa laga qaadi doono tallaabada sharciyeed ee ku habboon.