19 qof oo ku dhintay dab ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada New York

0
590

Ugu yaraan 19 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah, ayaa dhintay halka tobanaan kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, ka dib dab ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada New York.
Waxaa sidatan ku warramayaa warbaahinta Mareykanka.
Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa xaqiijiyay in 19 qof ay ku dhinteen dabkii ka kacay magaaladaasi gaar ahaan dhismaha Twin Parks oo ku yaalla agagaarka Bronx ee New York .