Xadgudub: Haween Soomaali oo dambas cunsiiyay gabadh jaariyaad u ahayd

0
1259

Waxaa saacadihii la soo dhaafay si wayn baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto loogu baahiyay muuqaal si bani’aadannimada ka baxsan loogula dhaqmayo gabar shaqaale ah oo lagu tilmaamay inay tahay Itoobiyaan (Oromo).
Laba haween ah oo ku nool deegaan Soomaaliyeed oo aan ilaa hadda si dhab ah loo aqoonsan ayaa wax aan la daawan karin ku sameynayo gabar jaariyad u ahayd oo ay magaceeda ku sheegeen Janno.
Muuqaalka oo soconaya 11 daqiiqo ah ayaa haweenkaas Soomaalida ah waxa ay gabadha ku qasbeen inay cunto rooti qalalan oo ay dhulka ugu tureen, Ka dib waxa ay ku amreen in rootiga ay ku cunto dambas iyo caanno baqay, arrintaas oo waxyeello caafimaad u horseedi karta.
Haweenka labada ah ayaa garaac iyo aflagaado xun isugu daray gabadhaas oo u muuqatay mid ku nool xaalad gumaysi oo kale ah.
Mid ka mid ah gabadha dulmiga gaysanayay ayaa la maqlayaa iyadoo gabadha jaariyadda ah ku qasbeysa inay xirato weji-xirka ama maskaro, iyadoo sheegtay inay ka baqayso in la xiro.
“Waxay cuntay rootigii carruurta, halkan ayayna noo jiiftaa” ayay ku eedeeyeen gabadha oo lagu magacaano Janno”.
Gabadha oo ku hadlaysay af-Soomaali jajaban ayaa mar gacmaha cirka u taagtay si ay Alle uga barido inuu ka saaro dhibaatada ay ku jirtay.
Markii ay cuntay rootiga dambaska leh, ayaa waxa ay labada dumar si arxan darro ah ugu qasbeen inay fadhiga ka kacdo, waxaana ay ku cabatay in ay lugta xanuuneyso oo ay bir uga jirto.
Waxaana ilaa iyo hadda aysan jirin maamul Soomaali ah oo ka hadlay dhacdadan ama sheegay inuu baarayo.
Dhacdo noocan oo kale ah ayaa sanad ka hor ka dhacday magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii baraha bulshada uu qabsaday muuqaalka gabadh yar oo jaariyad ah oo si xun loola dhaqmayo, carro arrintaas ka dhalatay ayaa waxay horseedday in gabadhaasi shaqo laga siiyo bankiga Somaliland.