Booliska India oo 6 fallaago ah ku dilay Kashmiir

0
794

Ciidamada ammaanka ee dalka India ayaa sheegay in xalay ay gobolka Kashmiir ku dileen 6 qof oo ay ku sheegeen fallaago.
Dadkan ayaa looga takhalusay labo howlgal oo laga fuliyay degmooyinka Anantnag iyo Kulgam ee gobolkaasi.
Sidoo kale waxaa israsaaseynta ku dhintay mid ka mid ah ciidamada difaaca ee India.
Gobolka Kashmiir oo ay kala maamulaan dowladaha dariska ah ee India iyo Pakistan ayaa waxaa in ka badan 30 sano ku dagaalamaya kooxo lagu tilmaamo fallaago.
Qaar ka mid ah kooxahan ayaa doonaya in Kashmiir ay hesho madax bannaani ama lagu daro dalka Pakistan.